Mac'hadka Shaqaalaha Dawladdu waxa uu caawa si rasmi ah u qabtay tababarkii loogu talagaly ardayda cusub ee sannadkan 2021/2022 kaas oo ku saabsanaa jihaynta ardayda cusub (Freshman Students Oreintation), tababarkan ayaa waxa uu ka qabsoomay hoolka Shaqaalaha Dawladda.
Halkaas oo maamulka iyo hawlwadeenada Mac'hadku ay u faah-faahiyeen dhammaan shuruucda iyo hab-raacyada ardayga looga baahanyahay mudada uu Mac'hadka wax kabaranayo.
Ugudanbayn, waxa ay ardaydu si sahlan u fahmeen dhammaan ujeedooyinkii, hab-raacyadii iyo shuruucdii lagu barayay caawa madashan.
ALLAA MAHAD LEH