
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa galabta ka qabsoomay Shir kaas oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayasha Machadka, Shirkaa oo uu Agaasiminayeen Agaasimaha Guud ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Moh
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa galabta ka qabsoomay Shir kaas oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayasha Machadka, Shirkaa oo uu Agaasiminayeen Agaasimaha Guud ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Mohamoud Saed Adaad.Qodobada Shirkaa lagaga wada hadlayay ee lagu dardargalinayay waxa ka mid aha, Iskuduwaha Waxbarashada Heerka Labaad Ayaa Sharaxay warbixintii kasoo baxday qiimayn lagu samaynaya kuliyadaha waxbarashada heerka labaad ee bahiyaha gaarka loo qabo iyadoo lagasoo ururinayay wasaaradaha iyo hay'addaha Dawladda, Dhanka kale gudoomiyaha gudida diyarinaysa xaflada qalinjabinta ahna Kuxigeenka Agaasimaha Guud aya Sharaxay qorsho hawleedka xafladda qalinjabinta, sida oo kale waxa uu warbixin kooban kabixiyay shir ay la galeen gudada Taclinta sare
Ugu danbayn, Agaasimaha Guud Machadka ayaa ugu mahadceliyay Agaasimayasha hawlaha shaqo ay u hayaan machadka.
