Saaka oo Maalin Isniin ah waxa Mac'hadka Shaqaalaha Dawladaa ka Qabsoomay Shir Bilaha Ahaa oo laysku waydaarsanayay hawlaha iyo shaqooyinka ka qabsoomay iyo waxa u qorshaysay.
Sidoo kale waxa Maamulka Mac'hadka oo ugu horeeyo Agaasimaha Fulinta Mac'hadka Mudane Omer Eid Qalonbi iyo Agaasime ku xigeenka Mac'hadka Mustafe Ahmed ay ku hambalyeeyeen Shaqaalaha waynaha Mac'hadka Hawsha Qaranka u hayaan kuna bogaadiyeen Inay herka ay taganyihiin kasii ambo qaadaan.
Sidookale, waxa uu Agaasimaha Fulinta Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda Muadame: Omer Qalonbi midmid iyo waax-waax uga mahadnaqay Shaqaalaha iyo madaxda waaxaha kaladuwan doorkii shariifka ahaa ee kaga qaybqaateen kor ukaca iyo kaalinta muhiimka ah ee Mac;hadka Shaqaalaha Dawladdu ku galay kaalintii 1aad ee QIIMAYNTII JAAMACADAHA DALKA ee ay soo sameeyeen Komishinka Tactiinta Sare ee Somaliland.
Ugudanbayn, waxa guud ahaan Maamulka iyo Hogaanka sare ee Mac'hadku ku bogaadiyay shaqalahiisa in ay halkaa kasii wadaan dadaalka iyo kartida dheeraadka ah ee ay kaga qaybqaadanayaan waxqabadada iyo hawl-maalmeedka shoqo wanaaga ee Mac'hadka iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland.
Allaa Mahad leh