
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka u furmay Tababar Kaas oo ahaa Maamulka maliyada dadwaynaha (Public Financial Management) , Tababarkaas oo ay qadanayeen 15 wasaarado iyo hayado iskugu jiraan
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka u furmay Tababar Kaas oo ahaa Maamulka maliyada dadwaynaha (Public Financial Management) , Tababarkaas oo ay qadanayeen 15 wasaarado iyo hayado iskugu jiraan gaar ahan waaxda Maamulka iyo maliyada Tababarkaas oo socon doona muddo 5 cisho ah,sida oo kale Tababarkaas waxaa Furitankiisi kasoo qayb galay tababarkaas Kuxigeenka Agaasimaha fulinta eeTaclinta iyo Cilmi-baadhista machadka shaqalaha Mudane Abdikadir kamil, Dhanka kale Agaasimaha Waaxda Tababarada Nuura nuux ayaa u sharaxday shaqalaha tababarkaas qadanayay waxa looga bahanyahay iyo shuruucda machadka, Tababarkaas oo uu bixinayay Khabiir ku takhasusay mudane Maxamed Ibrahim.
Ugu danbayn, Kuxigeenka Agaasimaha fulinta eeTaclinta iyo Cilmi-baadhista Ayaa ku dhiiriyay inay ka faaidaystaan tababarkaas sida oo kalena ay ku celiyaan wasaaradaha ay ka imadeen aqoontaa ay ka faidaysandoonan kuna adkeyay inay u hogaansamaan shurucdaa iyo waxa looga bahanyahy tababarka.
