Mas’uuliyiinta Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaa kulan muhiim ah la qaatay Mas’uuliyiin ka socday Banka Aduunka iyo Mashruuca Dib-hababaynta Maaliyadda ee Somaliland. Ugu horeyn gudoomiyaha Machadka S

Mas’uuliyiinta Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaa kulan muhiim ah la qaatay Mas’uuliyiin ka socday Banka Aduunka iyo Mashruuca Dib-hababaynta Maaliyadda ee Somaliland. Ugu horeyn gudoomiyaha Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Omer-sayid Qalonbi ayaa warbixin ka siiyey sida uu u shaqeeyo Machadka iyo Qorshaha fog ee Machadka. Gudoomiyaha ayaa warbixin ka siiyey hawlo hore oo Banka Aduunku ka taageeray Machadka iyo Isbedelka la taaban karo ee mashaariicdaasi ku kordhiyeen Machadka iyo shaqaalihiisa. Mas’uulka hogaaminayey weftiga Banka Aduunka oo lagu magacaabo Mbuba Mbungu ayaa soo dhaweeyey warbixinta mas’uuliyiinta Machadku ka siiyeen hawlaha socda iyo qorshayaasha Machadka.
Mas’uuliyiinta Machadka ayaa sidoo kale u jeediyey weftiga daraasado dhamaan aay ka sameeyeen xarumaha Dawladda oo la xidhiidha baahiyaha tababarada iyo waxbarashada heerka labaad ee aay u baahan yihiin shaqaalaha Dawladdu, waxaana aay labada guddi isla qaateen in Banka Aduunka gaar ahaan mashaariicda Dib-u habaynta maaliyaddu kaalin mugleh ka qaato sidii loo buuxin lahaa doorka aqoondhiska shaqaalaha gaar ahaan kobcinta aqoonta shaqaalaha Iibka