Mac'hadka Shaqaalaha Dawladdu waxa uu caawa si rasmi ah u qabtay tababarkii loogu talagaly ardayda cusub ee sannadkan 2022/2023 kaas oo ku saabsanaa jihaynta ardayda cusub (Freshman Students Oreintati

Mac'hadka Shaqaalaha Dawladdu waxa uu caawa si rasmi ah u qabtay tababarkii loogu talagaly ardayda cusub ee sannadkan 2022/2023 kaas oo ku saabsanaa jihaynta ardayda cusub (Freshman Students Oreintation),
Halkaas oo maamulka oo ugu horeeyo Agaasime Kuxigeenka Mac'hadka Mudane Mustafe Ahmed iyo hawlwadeenada Mac'hadku ay u faah-faahiyeen dhammaan shuruucda iyo hab-raacyada ardayga looga baahanyahay mudada uu Mac'hadka wax kabaranayo.
Ugudanbayn, waxa ay ardaydu suaalo ka waydiiyeen tababarkaas iyadoo dhanka kale maamulka iyo hawlwadeenada Mac'hadku ka jawaabeen suaalahaas; si sahlana u fahmeen dhammaan ujeedooyinkii, hab-raacyadii iyo shuruucdii lagu barayay