Machadka Shaqaalaha Dawladdu isaga oo gudanaya waajibaadka uu u aasaasaan yahay waxaa uu isaga oo aay is-garabsanayaan Jaamacadda Hargeysa, Hay'adda Shaqaalaha Dawladda iyo Guddida Maamul Wanaaga soo

Machadka Shaqaalaha Dawladdu isaga oo gudanaya waajibaadka uu u aasaasaan yahay waxaa uu isaga oo aay is-garabsanayaan Jaamacadda Hargeysa, Hay'adda Shaqaalaha Dawladda iyo Guddida Maamul Wanaaga soo qabanqaabiyeen Tababar soconaya laba maalmood oo aay ka soo qaybgaleen mas'uuliyiintii uu magacaabay Madaxweynaha JSL. Tababarka oo uu furey *Madaxweyna JSL mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda mudane Maxamuud Siciid Cadaad isaga oo sharaxay cilmibaadhisyo uu Machadku sameeyey kuna dheeraaday muhiimadda ay leedahay in go'aanadda la qaadanayaa aay noqdaan kuwo ku qotoma cilmibaadhis.