Machadka Shaqaalaha Dawladdu Civil Service Institute CSI waxaa saaka u furmay tababar kaas oo ka qabsoomay xaruunta Machadka Dawladaha Hoose Local Government Institute - LGI, Tababarkaas oo ahaa Maam

Machadka Shaqaalaha Dawladdu Civil Service Institute CSI waxaa saaka u furmay tababar kaas oo ka qabsoomay xaruunta Machadka Dawladaha Hoose Local Government Institute - LGI, Tababarkaas oo ahaa Maamulka Istaratijiyadeed (strategic management) kaas oo soconaya mudda 5 cisho ah, Tababarka waxaa qaadanayay Shaqaale ka kala socday 10 wasaaradood iyo haayado ikugu jira Tababarkan oo uu bixinayay Maxamed Yuusuf oo ah Khabiir ku takhasusay, Sida oo kale Tababarka waxa Furay Agaasimaha Fulinta ee Machadka shaqaalaha Dawladda Civil Service Institute CSI mudane Omer-sayid Qalonbi iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Cilmi-baarista iyo Tacliinta mudane Abadikadir Kamil.
Ugu danbayn, Agaasimaha ayaa ku mahadceliyay Shaqaalaha tababarkan qaadana kuna adkeyay inay ku faaidaystaan tababarkan oo muhiim u ah Shaqada ay u hayaan oo ay shaqooyinkodina uga imaadeen inay wax kaga badalaan wasaaradaha iyo hay'adda ay kasocdeen,