Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa uu manta soo dhaweeyey wefti uu hogaaminayo Dr.Idossa Terfassa oo ah Madaxa Deeqaha waxbarasho ee Wasaarada waxbarashada heer federal ee Dawladda Ethiopia. Ugu horey

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa uu manta soo dhaweeyey wefti uu hogaaminayo Dr.Idossa Terfassa oo ah Madaxa Deeqaha waxbarasho ee Wasaarada waxbarashada heer federal ee Dawladda Ethiopia. Ugu horeyn waxaa kelmado soo dhawayn ah jeediyey Agaasimaha fulinta Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Cumar Iid Qalonbi. Waxaa xogwaran ka siiyey Machadka iyo taariikhdiisa Agaasime ku xigeenka fulinta ee Machadka Mudane Mustafe Axmed. Agaasimaha Guud ee Guddida Teacliinta sare ee JSL mudane Ibraahim Gadiid ayaa bahda Machadka uga mahadnaqay soo dhawaynta diiran ee ay ku qaabileen weftiga u yimid.
Dr.Idossa oo hadalka qaatay ayaa faahfaahiyey ujeeddada safarkiisa oo daaranaa qiimayn lagu samaynayo deeqiihii hore ee waxbarasho iyo la wadaagista qorshaha cusub ee dawladda Ethiopia u dejisay deeqaha waxbarasho ee cusub. Dr. Idossa ayaa ku dheeraaday xidhiidhka Machadka Shaqaalaha Dawladda iyo Jaamacadaha Ethiopia iyo in uu diyaar u yahay in lasii xoojiyo. Mas’uuliyiinta ka qaybgashay shirka ayaa su’aalo ku weydiiyey mas’uulka la xidhiidha xogta uu jeediyey, halkaas oo uu si faahfaahsan ugaga jawaabay.
Waxaa la isla qaatay in lasii balaadhiyo xidhiidhka Machadku uu la leeyahay Jaamacadaha Dalka Ethiopia. Ugu danbayn Agaasimaha fulinta ee Machadka Mr. Qalonbi ayaa u mahadnaqay weftiga kulankana soo xidhay.