
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka u soo gebogaboobay tababar ku saabsanaa Caafimaadka iyo Badbaadada Shaqada (Occupational Health & Safety). Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah waxaa ka
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka u soo gebogaboobay tababar ku saabsanaa Caafimaadka iyo Badbaadada Shaqada (Occupational Health & Safety). Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah waxaa ka faa’iideystay dhammaan shaqaalaha Machadka.Xidhitaanka tababarka waxaa ka soo qaybgalay isla markaana soo xiray Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, Mudane Mohamoud Saed Adaad. Agaasimuhu waxa uu uga mahadceliyay tababaraha sida hufan, muuqata, oo la taaban karo ee uu tababarka u gudbiyay.
Ugu dambayn, Agaasimuhu waxa uu ku bogaadiyay shaqaalaha in ay ku dabaqaan goobahooda shaqo, kana dhigaan mid hirgala, si ay u noqoto mid faa’iido u leh dhammaan shaqaalaha ka qaybgalay tababarka.
