Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka ka qabsoomay tababar kaas oo ahaa dib u eegis lagu samaynayy shaqaale hore oo qaatay tababaro kale duwan, tababaradas oo uu bixinayay Machadku isaga oo kaashan

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka ka qabsoomay tababar kaas oo ahaa dib u eegis lagu samaynayy shaqaale hore oo qaatay tababaro kale duwan, tababaradas oo uu bixinayay Machadku isaga oo kaashanaya sanduuqa horumarinta somaliland (Somaliland development fund), dib u eegis taas oo ahayd siday uga faa'idaysteen tababaradaas,hawlahooda shaqona ugu dabaqeen iyo wixii caqabado kaga imaday, tababarkan waxaa bixinayay khuburo ku taqasusay baaxadda uu ku saabsanaa tababarku.
Ugu danbayn, furitaanka Tababarkaas waxa kaso qayb galay Agaasimaha fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda mudane Omer-sayid Qalonbi sidokale waxa kaso qayb galay masuuliyiin kasocda sanduuqa horumarinta somalilanad.