Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa ka qabsoomay xaflad lagu Daahfurayo is Afgaradka Wadashaqayn dhexmaridoonta Machadka Shaqaalaha Dawladaa iyo Shirkada Caymiska (Takaful insurance of Africa). Is-Afga

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa ka qabsoomay xaflad lagu Daahfurayo is Afgaradka Wadashaqayn dhexmaridoonta Machadka Shaqaalaha Dawladaa iyo Shirkada Caymiska (Takaful insurance of Africa). Is-Afgaradkan oo taabanaya in labada Hay’adood iska kaashadaan dhinacyada Cilmibaadhista, Tababarada iyo Carbiska Shaqada ee Shaqaalaha. Munaasibada waxaa ka soo qaybgalay madaxda sare ee Machadka oo aay horkacayaan Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Mustafe xhmed Iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Cilmi-baarista iyo Tacliinta Mudane Badri Cabdilaahi. Dhinaca Shirkadda Caymiska ee Takaful Insurance of Africa waxaa ku metalayey masuuliyiin sare oo uu horkacayo Madaxa Cududa Shaqalaa ee shirkada Maxamed Ibraahim iyo Madaxa mareeyaha maliyada ee shirkada Xusen Qule Xasan.
Ugu danbayn waxa halkaa la isku weeydaarsaday Is-Afgaradka Wadashaqaynta ee Machadka iyo shirkadda caymiska ee Takaful Insurance of Africa