Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa xalay Hotel Ambassador ee Magalada Hargeisa lagu daahfuray Cilmibadhista qiimaynta Baahiyaha Wasaaradaha iyo Hay'addaha Dawladda, taas oo ay ka Soo qayb galeen Wasiir

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa xalay Hotel Ambassador ee Magalada Hargeisa lagu daahfuray Cilmibadhista qiimaynta Baahiyaha Wasaaradaha iyo Hay'addaha Dawladda, taas oo ay ka Soo qayb galeen Wasiiro,Wasiir kuxigeeno, Guddoomiyayaal, Agaasimayaal Guud iyo qaar ka mida madaxda sarsare qaranka,
Ugu horayn Agaasimaha Guud ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mohamoud Saed Adaad aya ka war bixiyay cilmibadhista ay sameyeen bahda Machadka ee uu ugu horeeyo Agaasimaha waaxda cilmibadhista Mudane Saed Abi, kaas oo ku salaysnayd Baahiyaha iyo Halka ay ka tagantahy cilmibadhistu wasaradaha iyo Hay'addaha Dawladda isla markana ay ku saleeyaan madaxda u sareeya Hay'addaha iyo wasaradaha dawladdu go'aan qadashadooda mid cilmibaadhis ku salaysan.
Ugu danbayn, Agaasimaha Guud ee Machadka Shaqaalaha Dawladda aya uga mahadceliyay masuulinta kaso qayb galaan xafladdan cilmibadhista qiimaynta Baahiyaha Wasaaradaha iyo Hay'addaha Dawladda.