
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka si rasmi ah ugu soo xidhmay tababar ku saabsan Siyaasadda Dawladda (Public Policy), kaas oo ay ka faa’iidaysteen 30 shaqaale dawladeed oo ka kala socday waaxyah
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka si rasmi ah ugu soo xidhmay tababar ku saabsan Siyaasadda Dawladda (Public Policy), kaas oo ay ka faa’iidaysteen 30 shaqaale dawladeed oo ka kala socday waaxyaha Qorshaynta iyo Shurruucda ee 15 wasaaradood iyo hay’adood oo dawli ah. Tababarkan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray fahamka habraacyada siyaasadda guud, dejinta siyaasadaha, iyo qiimayntooda.Xafladda xidhitaanka tababarka waxa ka soo qayb galay Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Tacliinta iyo Cilmibaadhista, Mudane Abadikadir Kamil , oo ay weheliyo Agaasimaha Waaxda Tababarada. Tababarka oo bixinayay Khabiir Abdirashid Mohamed Jama, oo si qoto dheer u gudbiyay casharrada ku saabsan habka siyaasadda dawladda iyo farsamooyinka lagu horumariyo go’aan qaadashada hay’adaha dowladda.
Ugu dambayn, Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay shaqaalihii dhamaystirtay tababarkan, isagoo ku dhiirrigeliyay in aqoonta ay heleen ay uga faa’iideeyaan shaqooyinkooda iyo wasaaradaha ay ka kala socdaan. Sidoo kale, waxa uu bogaadiyey ka go’naanshahooda iyo sida ay uga qayb qaateen barnaamijkan muhiimka ah.
-
59481320714747743346481564867883329674937833nView -
59175071514747752313147333336195235759733796nView -
59086527814747750913147473048596688245110896nView -
59171700314747750179814217746598979669003808nView -
59483944514747749379814297145221401090929287nView -
59175511214747748746481022594175603764429708nView -
59477108514747747713147796727424986982533740nView -
59441341114747745113148052409611412833279202nView
