
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka lagu qabtay Imtixaanka Ethiopia Graduate Admission Test (GAT) oo ay u fadhiisteen ardaydii u tartamaysay deeqda waxbarasho ee laga helay dalka Itoobiya, kuwaas
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka lagu qabtay Imtixaanka Ethiopia Graduate Admission Test (GAT) oo ay u fadhiisteen ardaydii u tartamaysay deeqda waxbarasho ee laga helay dalka Itoobiya, kuwaas oo ka kala socday heerar waxbarasho oo kala duwan.Furitaanka imtixaanka waxa goob-joog ka ahaa isla markaana kormeeray Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, Mudane Mohamoud Saed Adaad, waxaana wehelinayay Agaasime Ku-xigeenka Fulinta ee Waxbarashada iyo Cilmi-baarista, Mudane Abdikadir Kamil, iyo sidoo kale qaar ka mid ah Hormuudka Kuliyadaha ee Machadka.
Sidoo kale, xarunta Machadka ee Hargeysa waxa si habsami leh uga socday qabashada imtixaanka GAT ee heerarka kala duwan ee waxbarasho (Degree, Master, iyo PhD), waxaana hannaankaasi hoggaaminayay Komishanka Qaranka ee Tacliinta Sare.
