Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulankii bilaha ahaa ee Agaasimayaasha kaas oo ay Shirgudoominayay Agaasimaha fulinta ee Machadka Omer-sayid Qalonbi iyo Kuxigeenka Agaasimaha Fuli

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulankii bilaha ahaa ee Agaasimayaasha kaas oo ay Shirgudoominayay Agaasimaha fulinta ee Machadka Omer-sayid Qalonbi iyo Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Cilmibaadhista iyo tacliinta Abadikadir Kamil, sida oo kale Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo Homarunta Mohamoud Saed Adaad ayaa ka warbixiyay Safar shaqo uu Ku aaday Xarruunta Gobalada Bari ee Machadka, dhanka kale Agaasimaha waaxda maamulka adeega guud Mohamoud Buraale ayaa ka warbixiyay hawlaha shaqo ku aadan dhankiisa iyo sida loo fudaydinlaha.
Ugu danbayn, Iskuduwaha, waxbarashada heerka labaad Abdirahman Haybe ayaa isna ka warbixiyay sida ay ugu socdaan hawlaha shaqo ee uu yaala.