Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay Kulankii Agaasimeyaasha ee todobaadlaha ahaa, kulankaas oo uushir gudominayay Agaasimaha fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Omer-sayid

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay Kulankii Agaasimeyaasha ee todobaadlaha ahaa, kulankaas oo uushir gudominayay Agaasimaha fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Omer-sayid Qalonbi oo ay ku weheliyaan agasime ku xigeenada Machadka .
kulankaa Waxa maanta laguu gorfaynayay, islamar ahaantaana ku gabogabaybay; Qorshe hawleedka sannadka (2023) ah ee Machadka, si waafaqsan Qorshaha Qaranka ee 3-aad (National Development Plan 3), oo todobaadkii hore aakhirkiisii Golaha Wasiirada JSL ay ansixiyeen.
Sidoo kale waxaa la ansixiyay waax kasta qorshaheeda sannadka oo, isla markaasna waafaqsan Tubta Qorshaha Shanta Sano ee Machadka (CSI’s Strategic Plan of 2022-2026), Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Isu-duwaha Waxbarashada Sare ee Machadka (Civil Service Institute’s Postgraduate Program Coördinator), oo Ka warbixiyay Xog-ururin ku saabsan baahida Shaqaalaha dawladda ee waxbarashada sare oo uu ku talo jirno Machadku in uu sannadaha soo socda hirgalino Insha Allah.
Ugu danbayn, waxa la dhamaystiray qorshaha Cilmi-baadhistii sadexaad ee uu Machadku u fulinayo Hay’adaha Dawladda oo aanu sannadkan iska kaashandoono Hay’adda Dhawdhista Tayada JSL.