Machadka Shaqaalaha Dawladda Waxa Saaka Ka qabsomay Xaflad Lagu gudonsinayay shahaadooyin Shaqaale ka socday Wasaaradda Hormarinta Maaliyadda kuwaas iskugu jiray Agaasimayaal iyo agaasime ku xigeeno I

Machadka Shaqaalaha Dawladda Waxa Saaka Ka qabsomay Xaflad Lagu gudonsinayay shahaadooyin Shaqaale ka socday Wasaaradda Hormarinta Maaliyadda kuwaas iskugu jiray Agaasimayaal iyo agaasime ku xigeeno Islamarkaasna Dhamaystay labo Tababar oo kala ahaa "Hogaaminta Tolmoon" iyo "Maaraynta Waxqabadka".
Xaflada Waxaa kaso qayb galay Agaasimaha Fulinta Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Omer-sayid Qalonbi iyo Agaasime ku xigenada Machadka Mudane Badri Abdilahi iyo Mudane Mustafe Ahmed.
Sidokale waxaa goob joog aha xafladaas Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Muj. Maxamed Cismaan (Mu'adin)iyo Agaasimaha Cududa Shaqaalaha ee Wasaaradda Horumarinta Maliyadda Mudane Maxamed Axmed Wayrax..