Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda waxa maanta ka bilaabmay lLaba Barnaamaj oo muhiim u ah Shaqaalha Wasaaradah iyo Hay'adaha Dawladda oo ah POSTGRADUATE PROGRAM oo ay ku baran doonaan (Human Resource Management). kaas oo ah tababarro iyo aqoon kobcin loogu talagaly shaqaalaha hawlaha adeegbixinta Dawladda u ah udub dhexaadka shaqada in xirfadooda iyo aqoontooda lagu kobciyo.
Sidaa daraadeed, barnaamajkan waxabarashada iyo tababarradaba isugujira waxa bixinaya oo iska kaashanay Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda (CSI) iyo Mac'hadaka Gaana ee Maamulka arrima dawliga ah (GIMPA).
Si kastaba ha ahaatee, barnaamajkan Postgraduate-ka ah waxa maanta kooraskii ugu horreysay bilaabay khabiir kasocday GIMPA ee magaciisu yahay Pro. EDWARD NARTEY.
Ugudanbayn, barnaamajkan waxbarashada iyo tababarrda isugujiraa ee Postgraduate ahi waxa uu socondoonaan muddo 16 wiig ah oo ay si wadajir ah u wada wadi doonaan CSI iyo GIMPA.