Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda waxa maanta 09 April 2022

Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda waxa maanta 09 April 2022 ka bilaabmay Tababar ay iska kashadeen Civil Service Institute (CSI) iyo Ghana Institute of management and Public Administration (GIMPA).
Tababarkaa soo ahaa Curriculam Development training, Waxana bixinayay ama dhigayay tababarkan Proff Gamel oo ah khabiir ka socda GIMPA.
Sidookale, tababarkan oo ah kii sadexaad waxa qaadanayay Shaqaalaha iyo Madaxda Mac'hadka, Shaqaale ka socda hantidhawrka guud ee Qaranka, Kumishinka Tacliinta Sare iyo qayba ka mida saaxiibada CSI.
Ugu danbayn tababarkan waxa loogu talagalay in kor loogu qaado awooda iyo tayada horumarineed ee kasoo qaybgalayaasha.