
Machadka Shaqaalaha Dawladda Saaka waxa ka qabsoomay Shir kaas oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayasha Machadka, Shirkaa oo uu Agaasiminayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Moha
Machadka Shaqaalaha Dawladda Saaka waxa ka qabsoomay Shir kaas oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayasha Machadka, Shirkaa oo uu Agaasiminayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Mohamoud Saed Adaad, Shirkaas oo lagu dardargalinayay dhamman Shaqada Machadka uu u hayo Qaranka.Qodobada Shirkaa lagaga wada hadlayay ee lagu dardargalinayay waxa kamid ahaa warbixinta Qorshahi 6 bilood ee dhamaaday oo Badankoodi so xarooden iyo Diyarinta Qorshaha 6da bilood ee soosocda laysla qatay in bari dib loogu eegayo Qorshaha guud ee machadka iyado la waafaqsinaya miisaniyada, Shirka waxa warbixin kooban kaga waramay Kuxigeenka Agaasimaha fulinta ee Taclinta iyo Cilmi baadhista iyo Agasiamaha waaxda taclinta ee machadka taas oo ku saabsanayd 13kii arday ee ka qalinjabiyaya Kuliyada Xisaabadka iyo maliyada ee waxbarashada heerka labaad ay iska kashanayeen Machadka Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Institute CSI) iyo Jigjiga University,
Ugu danbayn, Agaasimaha Fulinta ee machadka Shaqalaha Dawladda Mudane Mohamoud Saed Adaad Ayaa ugu mahadceliyay Agaasimayasha kuna hambalyey shaqada u hayaan qaranka iyo machadkaba.