
Machadka Shaqaalaha Dawladda Saaka waxa ka qabsoomay Shir Dagdaga ah kaas oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayasha Machadka, Shirkaa waxaa Garwadeen ka aha Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawlad
Machadka Shaqaalaha Dawladda Saaka waxa ka qabsoomay Shir Dagdaga ah kaas oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimayasha Machadka, Shirkaa waxaa Garwadeen ka aha Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Mohamoud Saed Adaad, Shirkaas oo lagu dardargalinayay dhamman Shaqada Machadka uu u hayo Qaranka.Qodobada Shirkaa lagaga wada hadlayay ee lagu dardargalinayay waxa kamid ahaa warbixinta Qorshahi 6 bilood ee dhamaaday iyo Diyarinta Qorshaha 6 bilood ee soosocda iyadoo dibna loo eegayo Qorshaha guud ee machadka,Waxa shirkaa lagaga hadlay oo warbixin kasiyay Iskuduwaha Waxbarashada Heerka labaad ee machadka Sida loo diyaarin laha qalinjabinta Ardayda heerka labaad, Agaasimaha Waaxda Tababarada aya warbixin ku saabsan Ardayda dhigata English Program kasiiyay,
Ugu danbayn, Agaasimaha Fulinta ee machadka Shaqalaha Dawladda Mudane Mohamoud Saed Adaad Ayaa ugu mahadceliyay Agaasimayasha kuna hambalyey shaqada ay u hayaan Qaranka kuna adkeeyay inay wakhtiga Shaqada ilaaliyaan.