Machadka Shaqaalaha Dawladda maanta waxaa soo xidhmay Tababar Kaas oo ahaa Monitoring, Evaluation and reporting, Tababarkaas oo ay dhigayeen khubaro ku takhasusay Tababarka oo kala ahaa Zakarie Bade

Machadka Shaqaalaha Dawladda maanta waxaa soo xidhmay Tababar Kaas oo ahaa Monitoring, Evaluation and reporting, Tababarkaas oo ay dhigayeen khubaro ku takhasusay Tababarka oo kala ahaa Zakarie Bade PhD (c) iyo Mr Abdirahman Haybe iyo Mrs Ella haruna, Tababarkaas oo soconayay muddo 8 cisho ah, sido oo kale Tababarkaas oo ay qadanayeen shaqaale ka kala socdsay 6 wasaaradood iyo hayadood, Tababarkan oo ay iska kashanayeen Sanduuqa horumarinta Soomaalilaand iyo Machadka Shaqaalaha Dawladda .
Ugu danbayn, Tababarkan waxaa soo xidhay Agaasimaha Fulinta Machadka mudane Omer-sayid Qalonbi iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Cilmi-baarista iyo Tacliinta Abadikadir Kamil, iyaga oo uga mahad naqay tababarayasha waayo aragnimadooda iyo kibrada ku aadan tababarkan ay bixinayeen dhanka kale waxaa ay shaqaalaha ku dhirigaliyeen khibrada iyo aqoonta ay koradhsadeen in ay xafiisyadooda ku horumariyaan iyo nafahoodaba sida oo kale waxaa xidhitaanka kaso qayb galay Agaasimaha waaxda tababarada Amal Suleiman Hagoog uga mahad celisay shaqaalaha sida wanagsan ay u dhamaysteen mudadaas u socday tababarku.