Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI) ayaa xaflad u qabtay shaqaalahii ugu waxqabadka fiicnaa sannadkii tagay 2024. Machadka oo ka duulaya yoolalka horumarka qaranka iyo qorshaha shanta sano ee machadka

Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI) ayaa xaflad u qabtay shaqaalahii ugu waxqabadka fiicnaa sannadkii tagay 2024.
Machadka oo ka duulaya yoolalka horumarka qaranka iyo qorshaha shanta sano ee machadka (CSI Five Years Strategic Plan), wuxuu waxqabadkiisa sanadlaha ahi ku qotomaa qorshe hawleedyo cadcad oo ay fuliteeda leeyihiin waaxyaha iyo madaxqaybeedyada, iyada oo qofkastaana leeyahay masuuliyad iyo qorshayaal khaas ah si loo fuliyo hawlaha Machadka. Sanadkastana waxaa si shaqsiyana loo qiimeeyaa waxqabadka qofkasta si waafaqsan xeerka Shaqaalaha Dawladda xeer LR (97/2022) iyo habraacyada ay dejisey Ha’yadda Shaqaalaha Dawladda
Xafladdii isku sigkanayd ee xalay (13/01/2025), Machadku ku qabtay Hotel Barar oo ay ka soo qayb galeen shaqaala weynaha Machadka iyo Masuuliyiin heer qaran.
Machadka oo ka falcelinaya waxqabadkii fiicnaa iyo guulihii ay gaadheen shaqaalaha Machadku wuxuu casha Sharaf ku maamuusay dhamaan shaqaalihii Machadka iyada oo sigaar ahna bilado loogu maamuusay shaqaalihii kaalmaa hore ugalay qiimayntii sanadlaha ee shaqaalaha.
Ugu danbayn Maamulka Machadku wuxuu uga mahad celinayaa shaqaala weynaha Machadka, sidii wacnayd ee ay shaqadooda uga soo dadaaleen waxaan rajeynaynaa sanad kale oo badhaadhe iyo horumar cusub Machadku gaadho.
ALLAA MAHAD LEH