
Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI) ayaa soo dhaweeyay wafdi ka socday Kenya School of Government. Hargeysa , 24 September 2025, Machadka Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland (CSI) ayaa si diirran ugu soo
Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI) ayaa soo dhaweeyay wafdi ka socday Kenya School of Government.Hargeysa , 24 September 2025, Machadka Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland (CSI) ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay xaruntiisa wafdi ka socday Kenya School of Government, kuwaas oo si rasmi ah uga qaybgalay xafladdii qalinjabinta dufcaddii 14aad ee ardayda Machadka iyo xuskii 20-guurada aasaaska Machadka, oo shalay lagu qabtay Huteelka Maansoor.
Munaasabadda soo dhaweynta wafdiga waxa ka qaybgalay Agaasimaha Machadka, Mudane Mahamud Saed Addad, iyo Agaasime-ku-xigeennada Machadka, Mudane Abdikadir Kamil iyo Mudane Mustafe Ahmed.
Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI) iyo Kenya School of Government, gaar ahaan dhinacyada tababarka, horumarinta xirfadaha shaqaalaha, iyo barnaamijyada cilmi-baarista.
Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaa si joogto ah u ballaadhinaya iskaashiyada caalamiga ah si loo xoojiyo tayada tababarrada iyo aqoonta la gaarsiiyo shaqaalaha dawladda, taas oo qayb ka ah dedaallada lagu horumarinayo adeegyada guud iyo maamulka dawliga ah ee Somaliland.
