
Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaa galabta qabtay shir ay ka soo qayb galeen Agaasimayaasha Machadka, waxaana shir-guddoominayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, Mudane Mohamoud Saed
Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaa galabta qabtay shir ay ka soo qayb galeen Agaasimayaasha Machadka, waxaana shir-guddoominayay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda, Mudane Mohamoud Saed Adaad.Shirka waxa lagu gorfeeyay qodobo dhowr ah oo la xidhiidha dardargelinta howlaha machadka. Waxaa ugu horreyn hadal ka jeediyay Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Tacliinta iyo Cilmibaadhista, kaas oo uga mahadceliyay shaqaalaha ka qayb qaatay qabanqaabadii iyo agaasimintii xafladdii qalinjabinta ardaydii sannadkan dhamaysay, gaar ahaan xubnihii guddida ku jiray. Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan ardayda sannadkan la qaadanayo iyo tirada ilaa hadda isdiiwaangelisay.
Intaa kadib, Isku-duwaha Heerka Labaad ee Waxbarashada Machadka ayaa ka warbixiyay hababka iyo qorshayaasha ay kuliyaduhu sannadkan ku qaadan doonaan ardayda cusub. Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda Tababarrada ayaa soo bandhigay qiimayn lagu sameeyay Diploma Program-ka kaas oo ku saabsanaa ( procurement and asset management ), halka Agaasimaha Waaxda Maamulka uu ka warbixiyay hawlihii hore u qabsoomay iyo kuwa hadda qorshaha ku jira.
Ugu dambayn, Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda ayaa uga mahadceliyay islamarkana ku bogaadiyay guddidii diyaarisay xafladda qalinjabinta kuna ammaanay qorshaha wanaagsan ee ay u diyaariyeen xafladaas. Wuxuu kaloo mahadnaq u jeediyay bahda shaqaalaha iyo Agaasimayaasha machadka in ay si weyn uga qayb qaataan dedaallada lagu horumarinayo shaqada machadka iyo guud ahaan qaranka.
