Machadka Shaqaalaha Dawlada waxaa ka qabsoomay kulankii agaasimayaasha ee todobaadlaha ahaa kulankaaso warbixin lagaga dhagaystay Agaasime ku-xigeenka fulinta ee Machadka mudane Badri Cabdilahi. Aga

Machadka Shaqaalaha Dawlada waxaa ka qabsoomay kulankii agaasimayaasha ee todobaadlaha ahaa kulankaaso warbixin lagaga dhagaystay Agaasime ku-xigeenka fulinta ee Machadka mudane Badri Cabdilahi. Agaasime Badri ayaa ka warbixiyey shir Caalami ah oo uu kaga qaybgalay wadanka Ghana, kulaankaas oo aay soo qabanqaabiyeen ururka ay ku midoobeen jaamacaddaha bixiya aqoonta la xidhiidha ganacsiga ee Afrika (African Association of Business Schools -AABS).
Wuxuu shirku warbixino ku saabsan halka aay marayaan hawlaha tabarabada gaagaban ka dhegaystay Agaasime ku-xigeenka waaxda tababarada oo ka warantay inta tababar ee u qabsoomay xarunta guud ee Hargaysa iyo xaruunta goboladda bariga ee Burco.
Ugu danbayn Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Cumar-sayid Qalonbi ayaa uga mahadnaqay mas’uuliyiinta Machadka shaqada wacan ee aay Qaranka u hayaan, kuna booriyey in aay sii labanlaabaan.