Maanta waxaa u soo xidhmay 32 shaqaale dawladeed ah oo baranayay RBM iyo 37 macallin oo dhiga jaamacadaha gobolka Togdheer oo dhammaystay xirfadda tabobaranimada kaas oo ay usoo xidheen guddoomiyaha

Maanta waxaa u soo xidhmay 32 shaqaale dawladeed ah oo baranayay RBM iyo 37 macallin oo dhiga jaamacadaha gobolka Togdheer oo dhammaystay xirfadda tabobaranimada kaas oo ay usoo xidheen
guddoomiyaha gobolka Togdheer, agaasimaha gobollada bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda, agaasime ku xigeenka fulinta ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha jaamacadaha gobolka Togdheer
Muhiimadda ay Xarunta Mac'hadka ee gobollada bari saarayso soo saaridda macallimiin tabobarayaal ah waa mid bud-dhig u noqonaysa in gobolku isku fillaansho ka gaadho xagga fududaynta iyo qabashada tabobarro tayo leh iyo kor u qaadidda xirfadaha aqooneed ee shaqaalaha gobollada bari iyo ardaydaba.
Sidoo kale waxa uu agaasimaha gobollada bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda uu shahaado sharaf siiyay labadii macallin ee bixinayay labadaa tabobar Mudane Dr. Badri Abdillahi Mohamoud iyo Mudane Khaalid Ismaaciil Cabdi. Waxa shahaadada guddoonsiiyay badhasaabka gobolka Togdheer.