Kulanka Waxqabadka Machadka CSI ee 2022 ================================== Machadka Shaqaalaha Dawladda ee CSI, oo ah Hay’add dawladeed oo u taagan, tayaynta aqoonta iyo xirfadda shaqo ee shaqaale way

Kulanka Waxqabadka Machadka CSI ee 2022
==================================
Machadka Shaqaalaha Dawladda ee CSI, oo ah Hay’add dawladeed oo u taagan, tayaynta aqoonta iyo xirfadda shaqo ee shaqaale waynaha dawladda Somaliland. Waxa caawa u qabsoomay, kulan aanu ku soo bandhigaynay warbixinta sanadlaha ah ee waxqabadka Machadka ee sanadkii 2022. Warbixintaas oo muujinaysa, waxyaalihii ka qabsoomay qorshe sanadeedkii Machadka, caqabadihii ka horyimid iyo qorshaha sanadka 2023, si waafaqsan istiraatejiyadda shanta sano ee Machadka (2022-2026 strategic plan of the institutes).
Sanadka waxaa machadka u qabsoomay in ka badan 40 tababar, oo ay ka faa’iidaysteen in ka badan 650 shaqaale dawladeed ah, oo heerar kala duwan ahaa. Kaas oo ay fulintiisa iska kaashadeen Machadka Maamulka Hay’addaha Dawladda ee Ghana (Ghana Institute of Management and Public Administration - GIMPA), lagana maal-galiyay Mashruuca Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda, ee uu inaga caawiyo Bangiga Aduunku (World Bank).
Sidoo kale, waxaa sanadka Machadka ka qalinjabiyay 140 arday oo dhamaystay darajada heerka koowaad ee Jaamacadda ( Bachelor Degree Program/s) iyo 19 arday oo dhamaystay waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadda (MSc in Disaster Risk Management and Sustainable Development) oo aanu iska kaashanay fulintiisa Jaamacadda Jigjiga ee Ethiopia.
Waxaa farxad gaara noo ahayd in ay sanadka noo hirgashay in la bilaabo. Waxbarasho heer Diploma sare ah, oo Laba takhasus ah oo manhajkeeda iyo fulinteedaba uu lahaa machadku. Sidoo kale Afar takhasus oo tababaro dhaadheera ayaa noo suurtogashay.
Waxa aanu deeqo waxbarasho dalka Ethiopia ugu dirnay qaar ka mida shaqaalaha dawladda. Anaga oo dib u bilawnay xishiidhkii jaamacadda shaqaalaha dawladda Ethiopia ee Ethiopian Civil Service University, oo muddo hakad galay, sababo la xidhiidha xanuunkii safmarka ahaa ee COVID19. Sido kale waxa aanu aanu arday baranaysa takhasusaad gaar u ah; Deegaanka, Beeraha, Biyaha, Xanaanada Xoolaha, Barashada Daawaynta Xanuunada iskaga gudba Dadka iyo Xayawaanka, Horumarinta Reer-migiga iyo Maaraynta Masiibooyinka Dabiiciga ah, aanu u dirnay Jaamacadda JigJiga ee Dalka Ethiopia.
Waxaa intaas dheer, in Machadku waxa uu tababaro ka fuliyay inta badan gobolada Bariga Somaliland iyada oo laga sameeyay daraasad, taabanaysa baahiyaha tababarada shaqaalaha dawladda ee Gobolada Bariga JSL.
Sanadkii 2022, Qiimayn ay sameeyeen Komishanka Tacliinta Sare ee JSL, warbixintii ka soo baxday, waxa ay xaqiijisay in Machadka CSI yahay jaamacadda ugu tayada wanaagsan Jaamacadaha Dawladda.
Ugu danabayn, Madaxwaynaha JSL, isaga oo dareensan, baahida shaqaale waynaha SL ee gobolada bariga JSL, waxa uu Machadka CSI ku wareejiyay Xaruntii hore ee Tababarada Dakadda Barbera, oo haatan noqondoonta Xaruta Machadka CSI ee Berbera. Sidoo kale, waxa miisaaniyadda qaranka muhiimad gaara ay xukuumaddu siisay, sidii loo balaadhin lahaa Xarunta Machadka ee Magaalada Burco, iyada oo qoondo miisaaniyadeed oo u gaar ahna loogu daray miisaaniyadda Machadka ee sanadka 2023.
Balanteenu waa shaqo iyo in la tayeeyo adeegyada waxbarasho ee Machadka. Lagana dhigo mid soo saara shaqaale xirfad iyo aqoon ku qalabaysan.
Waan u mahadcelinayaa mar labaad iyo mar sadexaadba shaqaalaha Machadka CSI, oo lafdhabar u ah fulinta iyo hindisaha qorshayaasha horumarinta ee Machadka.
Waxa aan si-gaara u bogaadinayaa, dhamaan shaqaalaha sanadkan ku guulaystay Abaal-Matinta Wacqabadka Shaqaalaha Machadka CSI (Civil Service Institute).
Allaa Mahad leh.