Kulanka 3-Biloodlaha ee Guddida Latalinta Machadka (Institute’s Board of Trustees Quarterly Meeting).
Maanta oo ay taariikhdu tahay 21 July 2022, waxaa ka qabsoomay Xarunta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Institute CSI), kulanka sadex-biloodlaha ah ee ay iskugu yimaadaan Guddida Latalinta ee Machadku (Institute’s Board of Trustees).
Kulankan oo noqonaya, kulankii 45 aad ee ay Gudidu iskugu timaaddo, si loo dardargaliyo hawlaha shaqo ee Machadka. Isla markaasna lagu faaqidayay qorshayaasha kor loogu qaadayo xirfadaha iyo aqoonta shaqo ee shaqaalaha dawladda SL ee uu diyaariyay Machadka CSI, ayaa waxaa gudoomiyay Gudoomiyaha Gudidda Latalinta Machadka, isla markaasna ah Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission Mud. Khalid J. Qodax, waxaana ka soo qaybgalay badi xubnaha Gudidda Machada oo kala ah; Dr. Abdirisaq Naakhuude; Agaasimaha Guud ee W/Waxbarsahada iyo Sayniska, ahna Gudoomiye-ku-Xigeenka Gudida Machadka, Mud. Mohamed Gurhan; Agaasimaha Guud ee W/Horumarinta Maaliyadda, iyo Mud. Axmed-yasin M. Cadde Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta (MoNP&D).
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray, shaqooyinkii Machadka u qabsoomay, iyo sidii loo xaqiijin lahaa ujeedeeyinka horumarinta shaqaalaha dawladda iyo qorshayaasha uga dagsan Machadka sidii loo xaqiijin lahaa ujeedeeyinkaas. Sidoo kale, waxa aan la wadaagay xubnaha guddida Siyaasado Maamul oo lagu horumarinayo nidaamka shaqo ee Machadka. Isla markaasna lagu xaqiijinayo qorshayaasha Machadka ee Shanta Sano (Institute’s Strategic Plan 2022-2026) iyo Qorshayaasha Wadaagaha Dawlad Wanaagga Qaranka (Governance Sub-sector plans) iyo Siysaadda Horumarinta Cududda Shaqaalaha Dawladda (HRMD Policy). Siyaasadahaas oo kala ah;
29497734222972044504363341796711018758932729n
29527707722972441670990292647331450105812011n
29494557222972057904362007613835904469262245n
29507219122972078937693237273327297470647032n
29517874022972092004358594538770599308697404n
2949258582297238463766266207713397818857577n