
Kulanka 3-Biloodlaha ee Guddida Latalinta Machadka (Institute’s Board of Trustees Quarterly Meeting).
Kulanka 3-Biloodlaha ee Guddida Latalinta Machadka (Institute’s Board of Trustees Quarterly Meeting).Maanta oo ay taariikhdu tahay 21 July 2022, waxaa ka qabsoomay Xarunta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Institute CSI), kulanka sadex-biloodlaha ah ee ay iskugu yimaadaan Guddida Latalinta ee Machadku (Institute’s Board of Trustees).
Kulankan oo noqonaya, kulankii 45 aad ee ay Gudidu iskugu timaaddo, si loo dardargaliyo hawlaha shaqo ee Machadka. Isla markaasna lagu faaqidayay qorshayaasha kor loogu qaadayo xirfadaha iyo aqoonta shaqo ee shaqaalaha dawladda SL ee uu diyaariyay Machadka CSI, ayaa waxaa gudoomiyay Gudoomiyaha Gudidda Latalinta Machadka, isla markaasna ah Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission Mud. Khalid J. Qodax, waxaana ka soo qaybgalay badi xubnaha Gudidda Machada oo kala ah; Dr. Abdirisaq Naakhuude; Agaasimaha Guud ee W/Waxbarsahada iyo Sayniska, ahna Gudoomiye-ku-Xigeenka Gudida Machadka, Mud. Mohamed Gurhan; Agaasimaha Guud ee W/Horumarinta Maaliyadda, iyo Mud. Axmed-yasin M. Cadde Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta (MoNP&D).
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray, shaqooyinkii Machadka u qabsoomay, iyo sidii loo xaqiijin lahaa ujeedeeyinka horumarinta shaqaalaha dawladda iyo qorshayaasha uga dagsan Machadka sidii loo xaqiijin lahaa ujeedeeyinkaas. Sidoo kale, waxa aan la wadaagay xubnaha guddida Siyaasado Maamul oo lagu horumarinayo nidaamka shaqo ee Machadka. Isla markaasna lagu xaqiijinayo qorshayaasha Machadka ee Shanta Sano (Institute’s Strategic Plan 2022-2026) iyo Qorshayaasha Wadaagaha Dawlad Wanaagga Qaranka (Governance Sub-sector plans) iyo Siysaadda Horumarinta Cududda Shaqaalaha Dawladda (HRMD Policy). Siyaasadahaas oo kala ah;

Agaasimaha gobollada bari ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda mudane Eng Sakariye Cabdixakiin Maxamed ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda mudane Mohamoud
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulan ay soo qabanqaabiyeen Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka ee Machadka, waxaana hoggaaminayay Agaasimaha Waaxda, Abdalla Hirad . Kulanka waxa ka
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulan ay soo qabanqaabiyeen Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka ee Machadka, waxaana hoggaaminayay Agaasimaha Waaxda, Abdalla Hirad . Kulanka waxa ka
Machadka Shaqaalaha Dawladda oo uu matalayay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka, Mudane Abdalla Hirad ayaan Saaka ka qayb galay ???????????????????????????? ????????????????-?????????????????
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka si rasmi ah ugu soo xidhmay tababar ku saabsan Siyaasadda Dawladda (Public Policy), kaas oo ay ka faa’iidaysteen 30 shaqaale dawladeed oo ka kala socday waaxyah
Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay shirkii todobaadlaha ahaa ee Maamulka, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Machadka. Shirka waxa guddoominayay Kuxigeenk