Hoolka Hay'adda Shaqaalaha Dawladda waxa xalay ka qabsoomay Xaflad jihaynta ardayda cusub ee waxbarashada heerka labaad ( master programs) ee sanad dugsiyeedka 2024/2025,Halkaas waxaa ka hadlay oo war

Hoolka Hay'adda Shaqaalaha Dawladda waxa xalay ka qabsoomay Xaflad jihaynta ardayda cusub ee waxbarashada heerka labaad ( master programs) ee sanad dugsiyeedka 2024/2025,Halkaas waxaa ka hadlay oo warbixin kooban kasiiyay maamulka Mac'hadka oo ugu horeeyo Kuxigeenka Agaasimaha fulinta ee Taclinta iyo Cilmibaadhista Mac'hadka Mudane Abdikadir Kamil, Sida oo kale Waxaa Ka Hadlay xafladaas Isku-duwaha waxbarashada Heerka Labaad ee Mac'hadka Mudane Abdirahman Haybe.
Dhanka kale, xafladaas waxa kasoo qayb galay Lataliya Sare ee Madaxwaynaha ee Arimaha Siyaasada mudane Cabdiqaadir Xaaji ismail jirde iyo ku xigenka agaasimaha fulinta maamulka iyo maaliyada ee machadka shaqaalaha dawladda, iyagoo la wadaagay ardayda faaidada ay leedahay aqoonta oo la kordhiyo iyo siday dawlimadeena wax uga badalayso.
Ugudanbayn, waxaa faahfahin dheerada Kasiiyay lataliya waxbarashada heerka labaad Mudane Maxamed warsame oo uga waramay Siday ay Programs u kala baxayaan iyo waxa loogabahanyahy.