Hogaanka iyo Maamulka Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda oo ugu horreeyo Agaasimaha Fulinta Mac'hadka Mudane; OmeR Qalonbi, Kuxigeenka Agaasimaha Mustafe Ahmed, iyo Agaasima waaxeedyada ayaa saaka kulan muhiima laqaatay Team sare oo ka socday Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaano Somaliland Development Fund (SDF).
Hadaba, kulankaas waxa laga wadahadlayay Mashruuca Awood-kordhinta (Capacity Surge Project-III) oo loogutalagaly in kor loogu qaadayo tayada shaqada oo qayb ka ah dib-u-habaynta shaqaalaha dawladda Somaliland, gaar ahaan kobcinta kaadirka shaqaale dawladeed oo leh xirfadaha maaraynta mashaariicda iyo shaqada xafiisyada adeeg-bixineed.
Ugudanbayn, waxa farxad wayn u ah Hogaanka, Maamulka iyo guud ahaan Qaranka somaliland in ay kulankaas guulo iyo go'aamo muhiim ahai ay kasoobexeen oo ay ugu mudanyihiin;
1. in uu dhamaystimay diyaarintii iyo qorshayaashiisiiba mashruucan wayn ee muhiimka u ah qaranka iyo Mac'hadaka Shaqaalaha Dawladda ba.
2. In uu si dhakhsa ah ku bilaami doono mashruucani gaar ahaaan bilaha soo socda.
3. Iyo in labada dhinacba waa CSI iyo SDF eh ay isla qaateen oo isla ansixiyeen Shaxdii Qirshe-hawleed-ka ee mashruucan lagu hirgalinlahaa.
Allaa Mahad leh