Garyaqaan Mubarig Cabdi Ismaciil, ayaa lagu soo martiqaaday 7dii, March, 2023 xarunta Machadka Shaqaalaha Dawladda, gaar ahaan kulliyadda barashada maamulka xarumaha dawladda iyo siyaasadda. Nuxurka k

Garyaqaan Mubarig Cabdi Ismaciil, ayaa lagu soo martiqaaday 7dii, March, 2023 xarunta Machadka Shaqaalaha Dawladda, gaar ahaan kulliyadda barashada maamulka xarumaha dawladda iyo siyaasadda. Nuxurka kulankan waxa uu ahaa " xeerarka dastuurka iyo dhismaha haykalka shuruucda dalka".
Mubarig waa Garyaqaan ku takhasusay shuruucda, waxa uu faahfaahin ka bixiyay mawduuca kulanka iyo kaalinta uu ku leeyahay sharcigu xarumaha maamulka dawladda.
Machadka CSI waxa ka go'an maalgalinta aqooneed iyo khibradaha kaladuwan ee kulliyaddaha ka baxa ; Madaxa kulliyadda Maamulka Xafiisyada Dawladda Abdisalan Mohumed ayaa uuga mahadnaqay Garyaqaan Mubarig Cabdi, oo la wadaagay ardayda waayo'aragnimadiisi ku aaddan kullankaas, sidoo kale Cabdiqani Saleebaan aya u mahad naqay garyaqaanka kulankan, isaga oo ahaa macalinka bixinayay koorsadan Constitutional and Adminstrative Law.