Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka u Furmay Tababar Kaas oo ah Barnaamij isku xidhan oo ka kooban Afar kooras (Result Based Management)(introduction to RBM, workplan and budgeting, Monitoring a

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka u Furmay Tababar Kaas oo ah Barnaamij isku xidhan oo ka kooban Afar kooras (Result Based Management)(introduction to RBM, workplan and budgeting, Monitoring and Evaluation and reporting) , Tababarkaas oo ay qadanayaan 15 wasaarado iyo hayado iskugu jiraan gaar ahan waaxda Qorshaynta, Tababarkaas oo soconaya muddo 10 cisho ah,
Sida oo kale, Tababarkaas waxaa Furitankiisa kasoo qayb galay Agaasimaha Fulinta ee Machadka Shaqaalaha Mudane Mohamoud Saed Adaad, oo ay ku waheliso Agaasimaha waaxda Tababarada iyada oo halka ugu sharaxday shuruucda iyo xerarka u yaala Machadka Shaqaalaha Dawladda, Barnaamijka Labada Koorso u horeeya ee (introduction to RBM, workplan and budgeting) waxa bixinaya Khabiir ku takhasusay mudane Mustafe Ahmed.
Ugu danbayn, Agaasimaha Fulinta ee Machadka Ayaa ku dhiiriyay Shaqaalaha inay ka faaidayaan Tababarkan isla markana ay ku celiyaan wasaaradaha ay ka imadeen aqoontaa ay ka faidaysandoonan.