Danjire Ku-xigeenka safaaradda Somaliland ee Itoobiya, Dr.Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa lagu soo martiqaaday Machadka Shaqaalaha Dawladda xaruntiisa Hargaysa. Kulankan oo qabsoomay 9kii Maarij, 2023 a

Danjire Ku-xigeenka safaaradda Somaliland ee Itoobiya, Dr.Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa lagu soo martiqaaday Machadka Shaqaalaha Dawladda xaruntiisa Hargaysa. Kulankan oo qabsoomay 9kii Maarij, 2023 ayaa lagu lafaguray " Diblamaasiyadda iyo Afrika" sibinaarkan ayaa loo qabtay ardayda kulliyadda Siyaasadda iyo maamulka xarumaha dawladda. Danjire Barkhad waa waayo'arag dhanka diblamaasiyadda ah, waxa uu qaatay shahadada sare, waxa uu ku qaatay nabada iyo hormarka dawladnimada; sidoo kale shahaadada labaad ee xidhiidhka adduun waynaha iyo diblamaasiyadda.
Axmed Maxamed ku-xigeenka waaxda waxbarashada ee CSI, Cabdisalaan Muxummed madaxa kuliyadda Siyaasadda iyo Maamulka Xarumaha Dawladda, iyo macalinkii bixinayay koorsadan Cabdiraxmaan Eid, ayaa si balaadhan ugu mahanaqay Danjire Barkhad sida milgaha leh ee uu soo tebiyay ogaalkiisa dibamaasiyadda Afrika. Ugu dambayntii waxa loo furay ardaydii su'aal waydiinta Danjire Barkhad, iyadoo lays waydaarsaday aqoon badan oo ku saabsan isbarbardhigga fedraaliga ah.