Waxa Shalay Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda marti noogu ahaa Xassan Mawliid oo ah Khabiir Sare oo Muda dheer ku Shaqaynayay Suuqgayta imikana ah Masuul sare oo SuperData u qaabilsan suuq gaynta.
Xassan waxa u bartay cilmiga maraynta iyo maamulka shaqalaha oo u ku kala qaatay tacliinta heerka koobaad iyo kalabaad, Xassan Sidoo kale waxa uu bartay Cilmiga Caalamiga ah iyo Xiriirka Caalamiga ah.
Xassan waxa uu shalay la wadaagay khibradda iyo aqoonta uu u leeyahay cilmiga suuqgaynta ardayda cilmiga xisaabadka ka barata mac’hadka halkaas oo xooga saarayay (marketing mix “4ps”) oo ardayda uga faa’idaynayay iyaguna waxay suaalo qaban ku waydinayeen.