Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahin, waa khabiir waayo'arag ku ah maamulka kastamada iyo fududaynta ganacsiga. Waxa uu leeyahay waayo'aragnimo toddoba sanno ah, oo uu ka shaqaynayay dakhli ururinta Wasaarad

Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahin, waa khabiir waayo'arag ku ah maamulka kastamada iyo fududaynta ganacsiga. Waxa uu leeyahay waayo'aragnimo toddoba sanno ah, oo uu ka shaqaynayay dakhli ururinta Wasaaradda Horamarinta Maaliyadda. Waa bare wax ka dhiga waxbarashada heerka labaad, waaxda cilmi baadhista ee Jaamacadda Burco.
Sidoo kale waxa uu ka hawlgala Jaamacadda Abaarso qaybteeda Berbera. Cabdiraxmaan waa mutacallin bartay maamulka kastamada oo uu ka sito shahaadada heerka labaad. 15kii may, 2023 ayuu marti ku ahaa Machadka Shaqaalaha Dawladda CSI.
Ardayda sannadka labaad ee Public Adminstration-ka ayuu la yeeshay kulan lagaga hadlayay 'Local Goverment Finance'. Madaxa waaxda Siyaasadda iyo barashada maamulka Dawladda Cabdisalaan Muxummed ayaa u mahad celiyay macallinkii ku soo martiqaaaday ee Ahmed Egeh kulanka qiimaha leh ee uu la yeeshay ardayda CSI. Waxaan rajaynaynaa in kulankan waxtar u noqdo ardayda qaadatay tababbarkan