Ardayda kuliyadda Maamulka Magaalooyinka (Urban Management Department) ayaa maanta shahaado sharaf ku maamuusay macallinkooda Eng. Sakarie Abdihakim Mohamed oo intii ay dhiganayeen Mac'hadka Shaqaala

Ardayda kuliyadda Maamulka Magaalooyinka (Urban Management Department) ayaa maanta shahaado sharaf ku maamuusay macallinkooda Eng. Sakarie Abdihakim Mohamed oo intii ay dhiganayeen Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda u dhigay badanaa maaddooyinka bud-dhigga u ah kuliyaddooda sida Qorshaynta Magaalooyinka (Urban Planning), Maamulka Dhulka magaalooyinka (Urban Land Adminitration), Maamul-daadajinta iyo Dawladaha Hoose ( Decentralization and Local Governments) iyo Qorshaynta Kaabayaasha Dhaqaale ee Magaalooyinka (Urban Infrastructure Planning).
Waxa ka soo qayb galay, kalmado dhiirrigelinana ka yidhi goobta agaasimaha waaxda qorshaynta ee Mac'hadka Mudane Badri Abdillaahi Mohamed iyo agaasime ku xigeenka waaxda waxbarashada ee Mac'hadka mudane Ahmed Mohamed Abdillahi.