Agaasimaha Xarunta Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda ee Burco Mudane Eng. Sakariye Cabdixakiin Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasima Guud ee Wasaaradda Horumarinta Reermiyiga mudane Mahad Maxamed

Agaasimaha Xarunta Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda ee Burco Mudane Eng. Sakariye Cabdixakiin Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasima Guud ee Wasaaradda Horumarinta Reermiyiga mudane Mahad Maxamed Siciid iyo wafti uu hoggaaminayo oo kormeer ku marayay gobollada bari; waxa aanay ka wada hadleen sidii Mac'hadka xaruntiisa gobollada bari wasaaradaha la xidhiidha arrimaha deegaanka iyo reer miyiga isaga kaashan lahaayeen tabobarro ku habboon shaqaalaha wasaaradaha la xidhiidha arrimaha reermiyiga, deegaanka iyo xoolo dhaqatada iyo sidii cilmi baadhisyo looga samayn lahaa arrimaha la xidhiidha masiibooyinka dabiiciga ah ee deegaanka, duunyada iyo dadka miyiga iyo doorka uu ka qaadan karo Mac'hadku cilmi baadhisyadaa.