
Agaasimaha Guud ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda mudane Mohamoud Saed Adaad oo safar shaqo ku jooga Burco ayaa maanta kulan la yeeshay shaqaalaha xarunta gobollada bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladd
Agaasimaha Guud ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda mudane Mohamoud Saed Adaad oo safar shaqo ku jooga Burco ayaa maanta kulan la yeeshay shaqaalaha xarunta gobollada bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda oo uu ugu horreeyo Agaasimaha xaruntu.Agaasimaha waxa warbixin dhammaytiran siiyay agaasimaha gobollada bari oo guud ahaan xusay waxa u qabsoomay xarunta, waxa u socda iyo waxyaabaha ay hiigsanayaan.
Sidoo kale waxa iyana soojeediyay halka ay wax u marayaan masuuliyiinta kale ee xafiisyada xarunta. Ka dib shir guud oo uu agaasimaha guud la qaatay shaqaalaha waxa uu kormeer ku maray guud ahaan xarunta isaga oo u kuur galay xaaladda ay ku sugan tahay.
