8 oct,2025, Machadka Shaqaalaha Dawladda Civil Service Institute CSI ee Kulliyadda Sharciga, ardaydiisa sannadka 3aad ayaa soo bandhigay dacwad dhammaystiran (mock trial) oo ay ku matalayeen kiis ci

8 oct,2025, Machadka Shaqaalaha Dawladda Civil Service Institute CSI ee Kulliyadda Sharciga, ardaydiisa sannadka 3aad ayaa soo bandhigay dacwad dhammaystiran (mock trial) oo ay ku matalayeen kiis ciqaabeed la xiriira dil, si loogu tababaro habka loo dabaqo Xeerka Habraaca Ciqaabta iyo Xeerka Ciqaabta Guud.
Ujeeddada barnaamijkan ayaa ahayd in ardaydu kor u qaadaan xirfaddooda dabaqaada sharciga iyo kartidooda dooda sharciyeed, si ay ugu diyaar garoobaan xirfadooda mustaqbalka.
Barnaamijka waxaa soo diyaariyey Barre Jaamacadeed Ali Oday, ahna Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka.
Iyadoo ay ka soo qayb galeen Agaasimahaa Fulinta ee machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Mohamoud Saed Adaad , Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta Machadka ee Taclinta iyo Cilmibadhista Mudane Abadikadir Kamil , Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Machadka Maamulka iyo Maaliyada Mudane Mustafe Ahmed iyo Dean-ka Kulliyada Sharciga Abdiqani salebaan.