29kii Aktoobar Machadka Shaqaaluhu wuxu ku guulaystay inuu martiqaado Agaasimaha Wasaradda Ganacsiga Abdirashid Ibrahim Abdirahman oo soo ajiibay codsigii CSI. Ardayda sannadka labaad ee kulliyadda ma

29kii Aktoobar Machadka Shaqaaluhu wuxu ku guulaystay inuu martiqaado Agaasimaha Wasaradda Ganacsiga Abdirashid Ibrahim Abdirahman oo soo ajiibay codsigii CSI. Ardayda sannadka labaad ee kulliyadda maamulka hay'daha dawladda ayaa falanqayn iyo lafagur ku saabsan curinta siyaasadaha hay'adaha dawladda la yeeshay Agaasimaha.
Kulankan oo muhiim u ahaa ardayda kulliyadda. waxa hordhac kooban ka siiyay mawduuca uu ku salaysnaa kulankan macallinka bixinayay koorsadan Maxamed Yuusuf, sida oo kale waxa waydiimo ay ku waydiiyeen.
Ugu danbayn Abdisalan Mohumed oo ah Madaxa Kuliyadda Siyaasadda iyo Maamulka Xarumaha dawlada ayaa uga mahadnaqay Agaasimaha iyo macalinka sida uula wadaageen khibradooda ku aadan kulankan.