29kii Aktoobar, Machadka Shaqaalaha Dawladdu waxaa uu soo martiqaaday bare sare Abdilahi Axmed Xirsi oo ah Agaasimah waaxda qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka. Kulankan oo loo qabtay ardayda

29kii Aktoobar, Machadka Shaqaalaha Dawladdu waxaa uu soo martiqaaday bare sare Abdilahi Axmed Xirsi oo ah Agaasimah waaxda qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka. Kulankan oo loo qabtay ardayda kulliyada Maaraynta Cududda Shaqaalaha kaas oo lagu qaada-dhigayay dejinta qorshaha istraatajiyadda.
kulankan oo lagu gorfeeyay marxaladihii uu soo maray qorshaha istaraatajiyadeed ee Somaliland, sidookale ardayda kulliyadda ayaa bare sare Abdilahi Axmed suaalo ku waydiiyay kulankaas.
Ugu dambayn, Maamulka kulliyada Maaraynta Cududda Shaqaalaha Ahmed Egeh ayaa ugu mahadnaqay bare sare Abdillahi Axmed oo marti u ahaa Ardayda Kulliyadda, iyo Abdisalan Mohumed oo ahaa macalinka kooraskan bixinayay.