29 July 2024 waxa Kulliyadda Maamulka Dawlada (Public Administration) ee Machadka Shaqaalaha Dawladdu soo martiqaadeen mudane Khadar Maxamed Diiriye oo aqoon iyo waayo-aragnimo badan u leh hannaanka h

29 July 2024 waxa Kulliyadda Maamulka Dawlada (Public Administration) ee Machadka Shaqaalaha Dawladdu soo martiqaadeen mudane Khadar Maxamed Diiriye oo aqoon iyo waayo-aragnimo badan u leh hannaanka hirgelinta siyaasadaha iyo dejinta qorsheyaasha dawladda oo 10-kii sano ee u dambeeyey kaga shaqaynaayey hay'addaha dawladda. Kulankan oo ahaa mid aqoon korodhsi ah ayaa macallin Khadar ku lafoguray hababka kala duwan ee loo sameeyo Qorshayaasha Qaramada (National Development Plans) gaar ahaan marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen qorshayaashii qaran ee Somaliland (NDP I - 2012 -2016; NDP II - 2017 - 2021; iyo NDP III - 2023 - 2027). Dhanka Kale Wuxuu Macalin Khadar la wadaagay khibradiisa ku aadan nidaamka isku xidhka Qorshaha Qaramada iyo Ka Wasaaradaha/Haayadaha.
Ugu dambeyn, macallin Cabdisalaan Muxumed Aw Cabdi oo ah macallinka bixinayey maadada Strategic Planning ahna Hormuudka Kuuliyadaha Maamulka Dawladaha, Siyaasada iyo Xidhiidhada Caalamiga ( Dean of Public Administration, Political Science and International Relations) ayaa si weyn ugu mahadceliyey macallin Khadar sida wanaagsan ee uu ardayda ugu soo bandhigay aqoonta iyo waayo-aragnimada ku saabsan hannaanka hirgelinta siyaasadaha iyo dejinta qorsheyaasha dawladda.
Dhankooda, ardayda ayaa iyaguna mahadcelin kadib, su'aalo weyddiiyey macallinka kuwaas oo ugu dambeyn ka maragkacay in kulankaasi wax weyn ku kordhiyey wacyigooda iyo aqoontooda ku aaddan dejinta Qorsheyaasha Dawladda iyo hirgelintooda.