16-Ogosto-2023 Waxaa Machadka Shaqaalaha Dawladda lagu soo marti-qaaday Mr. Barkhad Baashe oo ah Madaxa Dabagalka iyo Qiimaynta ee gudidda Qandaraasyadda Qaranka, Kulankan oo loo qabtay ardayda ka qal


16-Ogosto-2023 Waxaa Machadka Shaqaalaha Dawladda lagu soo marti-qaaday Mr. Barkhad Baashe oo ah Madaxa Dabagalka iyo Qiimaynta ee gudidda Qandaraasyadda Qaranka, Kulankan oo loo qabtay ardayda ka qalinjibinaya kuliyadda maamulka iyo Magaalooyinka sannadkan, Barkhad waa Khabiir aqoon dheer u leh dhanka qandaraasyadda Qaranka haday tahay hababkooda kala duwan iyo shuruucda loomarayo.

Mihile Elmi oo ah madaxa kuliyadda Maamulka iyo Magaalooyinka iyo sidoo kale macalinka bixiyay maadadda, oo ah Madaxa Ardaydda ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Abdirahman Ahmed Muse ayaa si balaadhan ugu mahadnaqaday Barkhad sida milgaha leh ee ugu soo jeediyay ogaalkiisa la xidhiidha habka Dawladdu usoo iibsato adeegyada kala duwan haday tahay Alaabooyinka , dhismaha iyo Adeega "goods , work and serveces” .