Gudidda siyaasadda arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Wakiillada JSL, ayaa saaka Kulan Kula qaatay Xarunta Golaha ardayda Jaamacadda Machadka Shaqaalaha Dawlada (CSI) ka barata siy

Gudidda siyaasadda arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Wakiillada JSL, ayaa saaka Kulan Kula qaatay Xarunta Golaha ardayda Jaamacadda Machadka Shaqaalaha Dawlada (CSI) ka barata siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah (Political Science and International Relations).
Kulankan oo uu shirgudoominayay Guddoomiye kuxigeenka Guddida Md. Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), isla markaana ay joogeen Xildhibaan Maxamed Siciid oo ka tirsan gudida, iyo la-taliyaha gudida Abdikani Eid.
Guddoomiye ku-xigeenka gudidda mudane Maxamed Xuseen Raamboo ayaa u sharraxay ardayda Siyaasadda guud ee Somaliland guud ahaan xidhiidhada baarlamaanku sameeyey iyo guud ahaan sida ay wasaaradda arrimaha debedda iyo Baarlamaanku u wada shaqeeyaan iyo sida gaar ahaan gudidu u wada hawlgasho.